waa maxay email marketing ?

waa maxay email marketing

Waa maxay email marketing ? Muxu fai’ido uleyahay ganacsiyada ?

Email marketing waa istaraatijiyad suuqgeyn dhijitaal ah oo ku sabsaan fariimo ganacsi ood udireysid koox dad ah adoo adeegsanayo iimaylkooga. Fariimaha waxay noqon karaan qaab wargeysyo ah , bandhigyo xayaysiin ah, adeegyo cusub , ama nooc kasta oo isgaarsiin ah oo ganacsiyadu ay rabaan inay la wadaagaan macaamiishooda.

email marketing waxa uu ka cawiyaa ganacsatada in ay si toos ah ula xidhiidhaan dhagaystayaashooda ama macaamishoda si ay u daboolaan baahiyahooda gaarka ah iyo danaha.

Maqaalkan, waxaan kaga hadli doona waa maxay email marketing sababta ay muhiim ugu tahay ganacsiyada yaryar, iyo sida dadka bilowga ah ay ugu bilaabi karaan suuqgeyn email ah business-kooga

Waa maxay email marketing sababta uu muhiim ugu yahay ganacsiyada yaryar?

muhiimada email marketing 1

Dunida cusub een manta joogno badii ganacsiyadu waa onlayn , sida awgeed waa muhiim inuu ganacsigagu kuu saleysnaado ama laga heloo onlayn si uu adeegagu ugadho macaamiil fara badaan.
Istaraatiijiyada email marketing waxaad mooda mid duuqowday markad u fiiriso social media iyo kanaalada kale ee Digital marketing ( sida Phone Apps , Podcasts & Radio , Electronic Billboards , Online Marketing … iwm ) .

Si kastaba ha ahatee suuq-geynta iimaylka ayaa wali ah hab wax kuu ool ah oo ganacsiyadu ay kula xiriiraan macaamiishooda sii ay uu horumariyaan adeegooga. email marketing waa hab ragiis ah oon lacag badan kaa baaxeyn sii aad uu gaadhid bartilmaamedka macaamisha aad rabtid .
Email marketing wuxu kaa cawiyey ganacsiyada ama ganacsatada inay dhistaan xiriir wanagsan oo ay la yeeshaan macaamiishooda, ay kordhiyaana wacyiga iyo sumcada shirkadooda sii ugu boogan dhagaystayaashu ama macaamisha kale.

Sida laga soo xigtay daraasad ay sameeyeen Ururka ladhaho ” The Direct marketing Association ” aya cadeeyay inuu suuq-geynta iimaylku celcelis ahaan soo celiyo maalgashiga (ROI) 38 Dolar mar kasta oo 1 dolar la gaasho, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah kanaalada suuq-geynta dhijitaalka ah ee ugu waxtarka badan.

Sidey lo bilaaba ama losameeya email marketing ?

sidey lo dhisa email list

Hadda oon isla fahaney muhiimadda Email marketing ama suuq-geynta iimaylku uu leyahay ganacsiyada yar-yar, aynu dhex galno sida dadka bilawga ahi ugu bilaabi karaan Businesskoda suuq-geyntooda iimaylka, waa kuwan qaar ka mid ah tallaabooyinka la raacayo :

1) Samee Liiska iimaylka

Talaabada ugu horeysa ee lagu bilaabayo campaign-ka ama ololaha email marketing waa in la sameeyo liiska iimaylka. Ugu horeyn waa inaad ururisaa ciwaannada ama iimaylaka dadka xiiseenayo adeega aad bixiisid ama xiseenayo ganacsigaga.

Wa inaad sameysa ama kuu dartaa website-kaga foom is-diiwaangelined ( sign up form ), ama social media kaga sii aad uu heesho ciwaanada macaamisha.
Kuu dadaal inaad siiso dadka wax dhiirigelin sii ay isku diiwaangeliyaan, sida qiimo dhimis ama waxyaabo gaar ah oo so jiita.

2) kordhi Liiska Iimaylkaaga

Marka aad sameyso liiska iimaylka, tallaabada xigta waa inaad kordhisa iimayl liiskaga ado kuu dadalayo inaad heshid ciwanaada macaamishada . Sida daradeyd waxad samayn kartaa taas adiga oo kor u qaadayo foomka is-diiwaangelinta ee boggaaga internetka, iyo sido kale kanaalada warbaahinta bulshadada .

Waxa kale oo aad samayn kartaa barnaamij tixraac ah, kaso oo macaamiishu ay u gudbin karaan asxaabtooda kale iyo qoyskooda si ay isku diwaangeliyaan liiska emailkaaga adoo usamenayo qiimo dhimis ama abaalmarino.

3) Udiir macaamisha wax so jiidasho leh oo dhiirigeliyo

Waa inaad ka taxadartaa waxad udireysid macaamishada markad adeygsaneysid ololaha suuqgeynta iimaylku.

Waa inaad udirta macaamisha wax soo jiidasho leh oo qiimo siinayo macaamishaada oo kuu dhiirigelisid inay tallaabo qaadaan, si ay wax uu iibsadaan ama ay uu booqdaan dukaankaga ganacsi.

4) Nakhsadey iimayladaada

Naqshadeynta iimayladaadu waa inay noqdan kuwo muuqaal ahaan soo jiidasho leh oo ka tarjumayo qaabka iyo astaanta ganacsi-gaga. Isticmaal design form qurxoon oo fudud in la akhriyo oo ay ku jiraan sawiro so jiidasho leh oo gubinaayo fariintaada.

Tijaabi oo hubi iimayladaadu qaabka ay uga so muqaanayaan moobilada in tanaad udiirin macaamisha , maadaama dad badani ay emailka ka galaan taleefankooda.

5) ka dhiig iimayladaada qaar kuwa otomaatig ahaan isku diirayo

Waa inaad ka dhigta iimaylada qaar kuwa sii automatic ah isku diiro, sida iimaylka soo dhawaynta marka uu qof iska diiwaangeliyo liiska iimaylkaaga ama website page kaga.

Waxaa lamid ah sido kale iimaylka wax iibsiga onlaynka marka uu qof shopping-cart ka alaab kuu rido kana tago isaga oo aan dhamaystirin iibka mid aad ku dhiirigelineysid.

Automation-ka iimaylku waxa uu kuu fuudeydinaya wax walba , maadama uu si otomaatig ah isku diirayo oo una wakhti kaga bahneyn inaad markastey adu dirtid si manual ah.

6) Lasoco Metrics-ka iimaylkaga

Raad-raacista Metrics-ka iimaylkaagu waa lama huraan si aad u ogaatid guusha ay sameeyeen iimayladii aad uudirtey macaamishada .

Waa qayb analytic ah ood kuu ogaaneysid dhaqdhaqaqa iimayladaada iyo guushey sameeyeen aado adeegsanayo email marketing tools ( sida Getresponse , ama Mailchip … iwm ).

Adeegso Email marketing Tools

email-marketing-tools

Email marketing tools kuwa ugu caanka ah waxa kamid ah :

  1. Mailchimp
  2. Sendinblue
  3. SendGrid
  4. Constant Contact
  5. GetResponse

Gunaanad

Email marketing waa istaraatijiyad suuqgeyn dhijitaal ah oo ku sabsaan fariimo ganacsi ood udireysid koox dad ah adoo adeegsanayo iimaylkooga.

Email marketing waxa uu ka cawiyaa ganacsatada in ay si toos ah ula xidhiidhaan dhagaystayaashooda ama macaamishoda si ay u daboolaan baahiyahooda gaarka ah iyo danaha.

Email marketing waa hab ragiis ah oon lacag badan kaa baaxeyn sii aad uu gaadhid bartilmaamedka macaamisha aad rabtid .

Share post

Related articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *